.
ABOUT US
Shacabka.net waa Shabakad soomaaliyeed oo u istaagtay baraarujinta iyo u gudbinta Xaqiiqda dhabta ah shacabka Soomaaliyeed si eey u gaaraan biseeyl ku filan oo keeni kara ineey dareemaan in awooda Shacabku leeyahay hadeey ahaan laheeyd mid siyaasadeed hogaamineed dhaqan- dhaqaale iyo bulsho intaba, si looga baxo dhibaatada baaxadda weeyn ee ku habsatay Shacabka Soomaaliyeed isla markaana Shacabka aaneey u adeegsan kuwa danahooda gaarka ah ka hormariya danta guud ee Shacabka.
Shacabka.net waxeey si joogto ah idin kugu soo bandhigi doontaa siyaasadaha caalamiga ee ku saleeysan dhaqaalaha iyo diinta ee saameeynta rasmiga ah ku leh Shacabka soomaaliyeed ee weli ku mashquulsan siyaasadaha isdiidka Qabaailka ku saleeysan ee dhexdooda aan dhaafsiisneeyn.
Sidoo kale Shabakadda Shacabka.net waxeey soo badhigi doonaa haduu Alle ogolaado Arimaha Bulshada , Caafimaadka iyo Fikradihiina inta wanaagsan ee wax dhiseeysa una adeegeeysa danta Shacabka Soomaaliyeed ee u ooman inuu helo Nabad waarta, Hogaan wanaagsan, Deganaan salka ku heeysa Cadaalad iyo Horumar.
Hadii aan nahay bahda s…. waxaan idiin balan qaadeeynaa inaan idiin soo bandhigi doono Xog badan oo kusaleeysan aragti dheer iyo Ilo wareed ama Source kala duwan daafaha dunida si aan u wada xaqiijino gaarista Yoolka aan higsaneeyno.
http://www.shacabka.net