Dardaaran!Qiso jacayl !! Qaybtii 11-aad (Sheeko taxana ah Shacabka.Net).
05 Mar 2010-
Goor ay barqo hore tahay ayay si lama filaan ah Sucdi u aragtay qoyskeedii oo guriga dhex taagan, Alla ma idinkiibaa maba idin filayne waqtigan, waad soo dhaqsateen”ayay cod faraxsan Sucdi ku qaylisay, iyadoo marba qof isku duubaysa, gabadheedii Nuura, ninkeedii Guuleed iyo adeegtadeedii Xaawo, Guuleed isagoo aan dooneynin in uu sii daayo Sucdi yiri “Gacaliso waan kuu xiisay wallaahi intii la doono, waxaad moodaa in aan sannad ku arkin”...
|
|
Dardaaran!Qiso jacayl !! Qaybtii 8-aad (Sheeko taxana ah Shacabka.Net)
05 Feb 2010-
Markii la gaaray galabtii ayaa Luul saaxiibteeda ay jeceshahay Sucdi u soo karisay shaah casriya ah isla markaana u keentay xalwo ghazaali, markaas ayay Sucdi saaxiibteed kula kaftantay “Luuleey macaanta, qaxwo kharaar ayay xalwadu ku macaan tahay” Luul ayaa tiri “Sucdi saaxiib haddii ay sonkortu ku dhibayso aan shaahaba sokor la’aan kaaga dhigo” Sucdi ayaa markaas ku raacday saaxiibteed oo tiri waxba kama qabo, taasina waa xal fiican, haddii aanu labo macaan isku cuno waxaa naga lumaya dhadhanka xalwada amaba shaaha”
...
|
|
AYAAN DARAN {QISO DHAB AH} QEYBTA 25-AAD(LA Soco Axad Walba).
31 Jan 2010-
Asli waxay canab u sheegtay in faadumo in faadumo yahay qof wanaagsan, hase yeeshee ay inta badan shaqo ku maqantahay oo oo aanay guriga ka warqabin, sidaa darteed waxaa guriga Maamusho gabadheeda Luul oo aad ii xiisa haddii aan dacweynana waxaan ka baqay in la I ceyrsho,sidaa darteed waxa alla wax xumaato ah oo Luul igu samayso dusha baan u ritaa.Waxba ma aha,xukunkaa sidaa ah, waa wax ii qornaa”.baa Asli nafteedii ku maaweelisay.
...
|
|
Dardaaran!Qiso jacayl !! Qaybtii 6-aad (Sheeko taxana ah Shacabka.Net)
22 Jan 2010-
Guuleed ayaa gurigiisii ku soo noqday isagoo aad moodid in uu maanta oo dhan beer soo falaayay oo daalka iyo madoowga wajiga ka saaran yahay si fiicanee looga garanaayo, markii ay Sucdi maqashay saqarta ninkeeda ayay ku soo oraday, isla markii ay soo ag fariisatay waxay garatay in ay wax si ka yihiin, ...
|
|
AYAAN DARAN {QISO DHAB AH} QEYBTA 24-AAD(LA Soco Axad Walba).
17 Jan 2010-
Asli arintaasi waxay ku soo kordhisay dareen iyo murugo cusub,waayo ma aanay garanayn meel ay aado haddii guriga Faadumo ka tagto,Asli markii Faadumo ay tagtay intay madaxa gacmaha saaratay oo kyrsi deydka yiilay ku fariisatay bay gashay fakar iyo walwal ku saabsan, “Allow hana kashifin,maanteyba iigu daran tahay,anigoo keligey ah baan nafteydii meel aan geeyo la’ee,bal waan yaabee seebaan oran,xaggeese geyn cunugga aan dhali doono,ilaahow ha I badin in aan magan alla iraahdo oo cungga la tuugsado”. Bay Asli ku duqeysatay.
...
|
|
Dardaaran!Qiso jacayl !! Qaybtii 4-aad (Sheeko taxana ah Shacabka.Net)
08 Jan 2010-
Guuleed wuxuu waraaqdii Sucdi akhriyay in ka badan 10 goor, hadaladii warqadda ku qornaa waxay noqdeen kuwa uu ka dhergi waayay, markasta oo uu warqadda akhriyana wuxuu dareemaayay raganimo buuxda iyo taajirnimo, waxayna waraaqda Sucdi ku sii badiyeen kalgacal iyo rabataankii uu u haayay marwadiisa, wuxuu Guuleed iskula muuqday in uu yahay mid ka soo baxay waajibkii ka saarnaa xaaskiisa, walow uu markasta aaminsan yahay in ay Sucdi tahay midda gacanta weyn ku leh noloshan iyo horumarkan uu maanta dhex dabaalanaayo.
...
|
|
Dardaaran!Qiso jacayl !! Qaybtii 3-aad (Sheeko taxana ah Shacabka.Net)
01 Jan 2010-
Guuleed ayaa gurigii aabbihiis orod ku soo galay, islamarkiiba wuxuu albaabka guriga kula kulmay xaaskii aabbihiis eeddo Maryan,eeddo Maryan wuxuu aabbe Xaaji Axmad guursaday ka dib markii ay si kedis ah ku dhimatay hooyadii dhashay Guuleed ee Xabiiba, Guuleed hooyadiis waxay u dhimatay...
|
|
AYAAN DARAN {QISO DHAB AH} QEYBTA 23-AAD(LA Soco Axad Walba).
27 Dec 2009-
Asli oo fulinaysa dardaarankii Walaalkeed waxay isla Maalintiiba soo aaday Dugsiga oo maamulihii iyo Macalimiintii ay si fiican ugu soo dhaweeyeen,inkastoo sheekadeeda ay maqleen ardayda Macalin Jaamac badidoodu hadana Asli may aqoonin,sidaa darted markay maqleen imaanshada Asli ba cnug kasta uu doonayay in uu arko wejigeeda.
...
|
|
|