Ka faa'iideyso warbixin Muhiim ah Waa Maxay Dhiig yaraan (ANEMIA)
| Saturday May 28, 2011 | PRINT THIS PAGE |
DHIIG YARAAN (ANEMIA) Waa marka unugyada cas cas ee dhiigu kaa yaraadaan ama xadiga homoglabiinta ku jirta unugyada cas cas kaa yaraato. Homoglabiintu waa maado ay ku jirto macdanta birtu (Iron) oo dhiigga u yeesha midabka cas waxaanay qabataa Ogsajiinta oo ay ka soo qaado sambabada gaadhsiisana unugyada jidhka. Dhiig yaraantu waxay keentaa in aanu jidhku helin Ogsajiin ku filan. Maxaa keena • Macdanta birta oo kugu yar oo ay sabab u tahay dhiig bax kugu dhaca ama adigoon cunin cunto dheeli tiran oo nafaqo leh.
• Fiitamiin yaraan sida fiitamiinka B12.
• Yaraan hormoomka cariya samayska unugyada dhiigga taas oo ay sababto cudur ku dhaca kalyaha ama cudurka kansarka.
• Unugyada cas cas oo sidooda u burbura (Hemolytic).
• Ku dhalasho cudur waxyeela unugyada cas cas.
• Cuduro faafa oo kugu dhaca kaas oo sababa dhiig yaraan.
• Cudur ku dhaca dhuuxa dhiigga sameeya cudurkaas oo noqon kara kansarka dhiigga ku dhaca.
• Dhiig badan oo xilliga caadada ka baxa ruuxa dumarka ah.
Astaamaha lagu garto
• Daal iyo bilaa awood
• Wareer
• Naqaska oo ku qabta am neefta oo ku qabata
• Wadno garaac
• Madax xanuun
Baadhitaan
Hadii uu qiyaasta dhiiga qofka dumarka ah ka yaraado 120 gram raggana 130 gram litirkiiba dhiigu wuu kaa yar yahay.
Waxa
kale oo baadhitaanka ku jira dhakhtarka oo ku waydiinaya su’aalo ku
saabsan cuntada aad cunto nooceeda, dawooyin in aad qaadato, hadii
qoyskiina lahaan jiray cudur dhiig yaraana. Waxa kale oo dhakhtarku
waydiiyaa dhadiga sida ay dhiiga caadada u hesho iyo xadiga dhiigaas iyo
in dhiig dheeraad uu ka yimaado.
Baadhitaanka dhakhtarka waxa ka mid ah in uu qofku ka cabanayo caloosha, mindhicirka iyo marinka kaadi mareenka.
Daaweynta
Daaweyntu
waxay ku xidhan tahay hadba waxa sababay dhiig yaraantaas tusaale ahaan
hadii uu sababtay bir la’aan (Iron) waa in aad qaadataa kiniinka
kordhiya birta, hadii ay kugu yartahay fiitamiin B12 waa in aad qaadataa
fiitamiin B12 ama Folic Acid, hadii uu kuu keenay cudur waa in
cudurkaas lagaa daweeyo. Hadii dhiiggu aad kaaga yar yahay waa in dhiig
lagugu shubaa.


