
Kitaabka Qur'aanku waa Keydka ugu weyn uguna Qaalisan ee Muslimiinta Maanta Caalamka ku Nool Gacantooda ku jira, waana Isha Koowaad ee lagu Dhiso Caqiidada,Cibaadooyinka iyo Sharciga Diinta Islaamka, waa Kitaab Xambarsan Taariikhihii Caalamka laga bilaabo Habka Koonka loo abuuray ilaa iyo sida u ku gabagaboobi doono Caalamka marka la gaaro Saacada Qiyaamaha Dhicitaankeeda, taasoo macnaheedu yahay Kitaabka Qur'aanku waa Kitaab wax walba koobay wax uu ka tagayna aysan jirin.
Qur'aanku waa Kalimadii Alle ee Mucjizada aheyd taasoo lagu soo dajiyay Nabigii ugu
Dambeeyay Nabiyaasha Nabi Muxamad {Nabad iyo Naxariis Allaha yeelee} ayadoo loo
soo marsiiyay Amiirkii Malaaigta Jibriil.
Waxaa uu Allaah usoo Dajiyay inuu Ummadda Dastuur u noqdo, Caalamka oo dhana Hanuun, uuna u ahaado Tilmaan Muujineysa Xaqnimada Nabi Muxamad inuu yahay kii Rususha Allaah ugu Dambeeyay, Xujadiisana u haato mid taagnaaneysa ilaa laga gaaro
Maalinta Qiyaamaha taasoo Cadeyneysa inuu yahay Kitaabkan Mid Allaah soo
Dajiyay.
Fadliga Qur'aanka:
Fadliga Qur'aanka waxaa Cadeyay Nusuus badan oo isugu jira Aaayado Qur'aan ah iyo
Axadiis saxiix ah, arintaasoo nagu Baraarujineysa in aan waqtigeena ku bixino
barashadiisa iyo baridiisa, waxaana ka mid ah Nusuustaas:
1=Suurada Al-Fadhir Aayada 29aad:{Kuwa aqriya Kitaabka Allah oo Salaada Ooga, oo wax ka bixiya waxaan ku Arzaaqnay Si Qarsoon iyo si Muqaataba waxey Rajeynayaan
Ganacsi aan Baareynin}
2=Suurada Al-Acraaf Aayada 204aad:{Markii la aqriyo Qur'aanka dhageyta una Dhag
raariciyana in laydiin naxariisto}
3=Suurada Muxamad Aayada 24aad: {Miyayna Quraanka u fiirsaneynin mise Qalbiyadoodaa Daboolan}
Xaga Aaxaadiista waxaa ka mid ah kuwan soo socda:
1=Xadiisk Macnihiisu yahay: (Waxaa idinkugu kheyr badan Ruuxa Qur'aanka barta Dadkana Bara) waxaa wariyay Bukhaari{Allaha u RaNaxariistee}.
2=Waxaa kaloo tusiya Fadliga Qur'aanka Xadiiska Macnihiisu yahay: (Ummadeyda kuwa ugu Sharaf badan waa kuwa Qur'aanka Xifdiyay) waxaa Wariyay Tirmiidi {Allaha u
Naxariistee}.
Anigoon Qoraalka Dheereyn hadii aan Dul istaago Ayadahaas iyo Axaadiistaas waxaan ka
Faaiideysaneynaa Arimahan soo socda:
B)= Qofka Qur'aanka aqriya ee Cibaadooyinka kalana ilaaliyo si joogta ah waxaa uu
helayaa Ajar aan kala joogsi laheyn mar kasta.
T)= In Raxmad uu helayo Ruuxii Marka uu Qur'aanka maqlo Aaamusa oo si wanaagsana u dhageysta.
J)= kuwa aanan Qur'aanka si ka feker leh u dhageysan in ay yihiin kuwa Qalbiga ka
Daboolan yahay oo moog Qiimaha Quraanku leeyahay.
X)= Ummadda Nabi Muxamad waxaa ugu Qiimo sareeya Ahlu Culmiga dadka ah ee Qur'aanka Bartay isla markaana u Faaiideeya dadka kale ee Cilmiga Faafiya.
Magacyada Qur'aanka:
Qur'aanku waxaa uu leeyahay Magacyo iyo Tilmaamo Muujinaayo Sharafta iyo Karaamada Qur'aanku leeyahay, hadii aan soo koobana waxaa ka mid ah kuwaan soo socda:
1=Al-Qur'aan: waxaa magacaan laga qaatay Aayado Fara badan oo ku tilmaamay inuu yahay Kitaabkan Quraan sida Aayada 1aad ee Suurada Khaaf:{Eebe waxuu ku Dhaartay
Qur'aanka Sharafta leh (in dadka la soo bixin doono Qiyaamaha)}. Iyo Aayada
9aad ee Suurada Al-Israa:{Qur'aankana waxuu ku Hanuunin Dadka Arinta u Toosan
uguna Bishaareynayaa kuwa Falka Wanaagsan in ay Mudan yihiin Ajar weyn}.
2=Waxaa kaloo lagu Magacaabaa Al-Furqaan sida ku cad Aayada 1aad ee Suurada
Al-Furqaan:{Waxaa Kheyr badan oo weyn Allaha kusoo dajiyay Quraanka
Adoonkiisa(Nabiga) inuu u haado Caalamka u dige}.
3=Waxaa kaloo lagu Magcaabaa Al-Tanziil sida ku cad Aayadaha 192 iyo 193aad ee Suurada Al-Shucaraa:{Qur'aankuna waa soo dajin Allaha Caalamka, waxaa kula soo dagan Ruux Aamin ah (Jibriil)}.
4=Waxaa kaloo Qur'aanka loo yaqaan Al-Kitaab sida ku cad Aayada 1aad ilaa sadaxaad ee Suurada Al-Dukhaanka:{Waxaan ku dhaartay Kitaabka Cad (Qur'aanka)}.
Hadii aan Xaga Tilmaamaha Qur'aanka wax ka Sheegana waxaa ka mid ah waxyaabaha lagu tilmaamay Qur'aanka kuwaan soo socda: Burhaan, Nuur Cad, Daawo, Raxmad iyo kuwa kale oo aad u fara badan oo Dhamaantoodna ah wax la taaban karo marka aad loo
baaro Quraanka iyo sida uu Nolosha Dadka wax uga badalo una Horumariyo Qofkii
qabsada, asagoo isla markaana ah Daawo aad loogu Bogsado aadna u wacan wax la
mid ahana aysan jirin sida uu wax u Daaweeyo, waayo Qur'aanka waxaa lagu
Daaweeyaa Ruuxda Markii ay Bukooto iyo Xanuunada ku Dhaca Jirkaba ... taasoo
Macnaheedu yahay in aysan jirin Daawo Noocaas oo kala ah marka laga Hadlaayo
Daawooyinka Maanta Dunida laga Isticmaalo.
Soo Dagitaankii Qur'aanka:
Qur'aanka Kariimka ah waxaa uu markii ugu horeysay soo dagtay xili Nabi Muxamad uu joogay Godka loo yaqaan Xeraa 17 Bishii Ramadaanka Nabiga oo Xiligaas 40 jir ahaa,
waxaana u Qur'aanka soo dagaayay mudo gaareysay 23 Sano taasoo macnaheedu yahay
Qur'anka waxaa uu soo dagaayay intii uu Nabiga Noolaa laga bilaabo maalinkaas
ilaa uu ka geeriyooday, wuxuuna ka kooban yahay 114 Suuradood oo ay Suurada Al-Faatixa ugu Sareyso uguna Hooseyso Suurada Al-Naas.
Ayadii u horeysay iyo tii u Dambeysay:
Bukhaari waxaa uu Saxiixiisa ku wariyay Aayadihii ugu horeeyay ee Qur'aanka ee Nabiga
lagu soo dajiyay in ay ahaayeen Aayadaha ugu horeeya ee Suurada Al-Iqra, aayadihii
ugu Dambeeyay ee soo dagtayna waa Aayada 281aad ee Suurada Al-Baqar, waxa ayna Culimada aadka ugu Xeelka dheer aqoonta Diinta Islaamka sheegeen in Aayadan soo dagatay ka hor geeridii Nabiga Sagaal Maalmood, ka dibna Nabiga waxa uu geeriyooday Habeen Isniin ah 3dii Bisha Rabiicul-Awal, sida uu ku Sheegay Kitaabka Al-Itqaan Sheekha la yiraahdo Siyuudhi {Allaha u Raxmadee}, waxaana sidaas oo kale qaba Saxaabiga la yiraahdo Ibni Cabaas oo ah Caalimkii Ummadda Nabi Muxamad {Allaha ka Raali Noqdee} sida uu wariyay Nasaai{Allaha u Naxariistee}.
Qur'aanka iyo Habka loogu Aruuriyay Kitaab kaliya:
Qur'aanka Kariimka waxaa Nabiga iyo Saxaabiisiiba ku bixin jireen Dadaal dheeraad ah
sidii loo xifdin lahaa waxaana ay u mareen Xifdintiisa dhowr hab oo kala ah:
1=in Qur'aanka lagu Xifdiyo Laabta, taasoo aheyd wadada kaliya ee uu Nabiga wax ku
Xifdin jiray, maadama uu ahaa Nabi Ummi ah, waxaa uuna ku Tukan jiray Habeenkii
oo dhan Maalintiina Saxaabada ayuu Xifdisiin jiray, Xiligaasna waxa Jaziirada
Carabta Caan ka ahaa in Dadku aad wax u Xifdiyaan sida Gabayada iyo Nasabka iyo
Taariikhaha, taasoo Fursad weyn u siisay Dadkii Carabta ahaa ee Muslimay in ay
aad u Xifdiyaan Quraanka Kariimka ah.
Sidaa daraadeed ayaa waxaa la tilmaamaa Xaafidiinta Qur'aanka Xiligii Nabiga in ay
aad u fara badnaayeen waxaana arintaas Tusaale u ah Duulaankii Yamaama kaliya
in ay Saxaabada kaga Shahiiday 70 Xaafidiin ah, tiradaas oo kalana Xiligii
Nabiga ayay ku Shahiiday Maalin kaliya Markii Koox Xaafidiin ah lagu laayay si
khiyaamo ah kuwaasoo Cadadkoodu
gaaraayay ilaa iyo 70 Saaxaabi.
2=Habka labaad ee Xiligii Nabi Muxamad (Nabad iyo naxariis Allaha yelee) Qur'aanka lagu aruuriyay waxaa uu ahaa in Qaar Saxaabada ka mid ah oo si wanaagsan u yaqaanay
Qoritaanka Afka Carabiga in ay Diiwaaniyaan Qur'aanka oo dhan, taasoo loola
jeeday si ay usii xoojiyaan Xifdintii xaga Qalbiga,.. waxaana ugu Caansanaa
Saxaabada waxyiga qori jirtay :(Ubey Ibnu Kacab, Zeyd Ibnu Thaabit, Mucaad Ibnu
Jabal, Mucaawiya Ibni Abii Sufyaan iyo Afarta Khulafada Raashidiinta aheyd:
Abuu Bakar, Cumar, Cuthmaan iyo Cali Ibni Abii Dhaalib) .
Saxaabadaasna Nabiga ayaa Gacantiisa ugu Doortay in ay qabtaan Shaqadaas Qaaliga ah gutaana Amaanadaas aadka u weyn, waxaana jiray intii uu Nabiga joogay qaar badan oo
Saxaabada ka mid ah oo Kitaabo ku aruuriyay Qur'aanka, waxaana ugu Caansanaa
afar Saxaabi oo u Dhashay Reer Madiina-Ansaartaii Nabiga- waxayna kala
ahaayeen: (Ubey Ibnu Kacab, Mucaad Ibnu Jabal, Zeyd Ibnu Thaabit iyo Abuu Zeyd)
taasna waxaa macnaheedu noqonayaa waxaa kaloo jiray Saxaabo kale oo fara badan
oo waxyiga Diiwaanin jiray lahaana Kitaabo ay Gacantooda ku qorteen sida:
(C/llaahi Ibnu Mascuud, Cali Ibni Abii Dhaalib iyo Caaisha Binti Abii Bakar).
Waxa ay Qalab ahaan u Isticmaali jireen Qoritaankooda Maqaarka Xoolaha iyo Meyraxda
Geedaha qaar kuwaas oo xiligaas ahaa waxa ugu wanaagsan ee loo Isticmaalo
Qoraalada.
Xiligii Abuu Bakar iyo Cumar:
Arinta ugu weyn ee keentay in Qur'aanka Kitaab qura lagu Diiwaaniyo waxa ay tahay
sidaan horey u tilmaanayba in laga baqay Geeridii ku imaaneysay Xaafidiinta
Xiliyadii Dagaalka lagula jiray Murtadiintii ay sababi karto in Qur'aanka qaar
ka mid ah la weyn karo, waxaana ugu horeeyay Saxaabada arintaas aadka uga
hadlay Cumar Ibnu Khadaab oo kula taliyay Abuubakar inuu Kitaab ku aruuriyo
Quraanka si looga badbaado qatarta ka dhalan karta Raga Xaafidiinta ah oo sii
bar yaraanaayay, Abu Bakarna markii danbe taladii Cumar ayuu ku qancay waxaana
uu amray Zeyd Ibnu Thaabit inuu inuu u Istaago sidii Kitaab Qura loogu aruurin
lahaa Qur'aanka oo dhan, Zeydna wuu ka aqbalay waloow ay Culeys ula muuqatay..
Zeyd waxaa uu u Istaagay aruurinta Quraanka ilaa uu kaga guuleestay Shaqadii loo
xilsaarar oo uu Kitaab kaliya isugu wada keenay Qur'aanka oo dhameystiran,
Kitaabkii uu Zeyd Diyaariyana waxaa Gacanta ku heyn jiray Abuubakar intii uu
Noolaa, ka dibna waxaa uu ku wareegtay Cumar ilaa uu ka geeriyoonayay, ka dibna
Xafsa Ibnu Cumar, arintan ku saabsan aruurinta Qur'aanka taariikhda ku saabsan
Bukahaari ayuu ku faahfaahiyay Kitaabkiisa Saxiiixa ah.
Xiligii Cuthmaan Ibnu Cafaan:
Muslimiinta Markii Dhulkooda balaartay oo ay gaareen Bartamaha Aasiya ilaa Arminiya iyo Azarbajan ayaa qaar saxaabadii ka mi ah tageen halkaas,..waxaa ka mid ahaa
Saxaabada tagtay Dhulkaas Xudeyfa Ibnu Yamaan waxaa uuna usoo Sheegay Cuthmaan
Ibnu Cafaan qaladaad Qatar ah oo uu ku Saabsan Qur'aanka iyo Khilaafaad ka
bilaawday Dhulkaas oo ku saabsan Hab aqrinta Qur'aanka, sidaa darteed waxa uu
Cuthmaan talo ku goostay inuu Qur'aanka ku aruuriyo hal kitaab si ay u
Sahlanaato in laga dhowro Quraanka in dadka qaar qaab aan saxneyn ku gaaro, si
arintaas u meel mariyana isugu yeeray Saxaabada kuwii ugu waa weynaa uguna
Cilmiga badnaa, waxaa uuna kala tashaday talada uu maagan yahay inuu ku
dhaqaaqo, waxeyna isla wada garteen inuu Cuthmaan soo saaro Kitaabo loo kala
diro Dhulka ay gaareen Muslimiinta oo Diinta Islaamka ku fiday,waxeyna
taladooda ku gunaanadeen in la Gubo kitaabada kala gaar gaarka loo Qoray lana
Faafiyo Kitaabka ay Saxaabada ku guuriyeen Qur'aanka oo dhameestiran si loo
Xakameeyo Habka loo gudbinaayo Qur'aanka.
Faalooyin Saxaabadii talada Qur'aanka u guntatay waxa ay Howsha Qoritaanka Qur'aanka u Xilsaareen Afar Saxaabi oo kala ah: (Zeyd Ibnu Thaabit, C/llaahi Ibnu Zubeyr, Sacad Ibnu Abii Waqaas iyo C.raxmaan Ibnu Hishaam) oo Dhamaantood ahaa Qureysh Muhaajiriin ah marka laga reebo Zeyd Ibnu THaabit oo ahaa Ansaartii Reer
Madiina waxaana Talaabadaas Qiimaha badan Saxaabada sameeyeen Sanadkii 24tii
Hijriyada. Waxaana la siiyay Afarta Saxaabi talooyin Muhiim u ah habka
qoritaanka.
Cuthmaan oo ahaa Amiirkii Muslimiinta waxaa uu ka Codsaday Xafsa oo gacanta ku heysay Kitaabkii uu Diyaariyay Abuu Bakar si looga dhigto Aasaaska Gundhiga u ah
Howsha weyn ee ay Muslimiinta ku tashadeen..
Kitaabkii ay diyaariyeen Saxaabada Xiligaas waa kan Maanta ku jira Gacanta Muslimiinta ee Caalamka oo dhan ku faafsan.
Waxaan intaas kusoo koobayaa Qeybtii koowaad Maqaalo aan kaga hadli doono Qur'aanka iyo Fadligiisa, waxaanan Qeybaha soo socda kusoo qaadi Doonaa Faalooyin ku
saabsan Suuradaha Qur'aanka iyo macnaha Guud ay Xambaarsan yihiin.
Waxa barnaamijkan Gacan ka geestay Hey'ada samafalka Soeg Info@soeg.com
ama www.Soeg.com
W/Q: Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com