Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U ambabaxay Dalka Turkiga
| Tuesday December 04, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu maanta ka ambabaxay garoonka diyaarahada ee Aadan Cade Air-port ee magaalada muqdisho ,isagoona ku sii jeedo dalka Turkiga oo booqasho rasmi ah uu ka helay wadanka turkiga.
Madaxweynaha ayaa waxa uu casuumaad uu ka helaydhiggiisa Turkiga Abdullah Gül, waxaana safarkiisa ku jira afar wasiir oo ka tirsan xukuumadda federaalka dalka iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka soomaaliya Jeneraal Cabdulqadir Sheekh Cali Diini.
Wasiirda arimaha dibada ahana ra’iisal
wasaareku xigeenka marwo Foosiyo xaaji Yuusuf oo garoonka
diyaaradaha kula hadashaya saxafaada ayaa sheegtay in waftigaan oo
Socdaalka oo ku salaysan yahay casuumad laga helay xafiiska madaxwayaha
turkiga ,sidoo kale wasiirada ku wehliya madaxwayanaha ay la kulmi
doonana mid walba dhigiisa ,waxayna ku joogi doonaan muddo
afar maalmood ah.
Waftigaan ayaa sida la sheegay waxaa ay ku horayn doonaan magaalada
Anakara iyagoona khamiista gaari doonaa caasimada
Intanbul.
Madaxda Turkiga iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay
ka wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo horumarrada
caalamiga ee Dawlada tukrigu ka gaysato qaaradda Afrika, gaar ahaan
Somaliya.
Waa markii ugu horreysay oo uu madaxweyne soomaaliya mudane Xasan
Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tago dalka Turkiga, tan iyo markii uu noqday
madaxweynaha dowladda Soomaaliya horraantii September ee sannadkan.
