Hargeysa; Nin tuma Biraha Baabuurta Oo Tooray Dhax Dhigay Haweyney
| Wednesday December 05, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Hargeysa(Waaheen) Nin tuma Biraha Baabuurta oo la yidhaahdo Siciid Muxumed Cali (ina Cirro weyne) ayaa goor dhaweyda Qoorta kaga jaray Saldhiga Dhexe ee Hargeysa agtiisa Gabadh Jaadlay oo la yidhaahdo Ardo Muumin taasoo ku ganacsanaysay meel dhowr talaabo u jirta Saldhigaasi.Gabadha Ninku Bireeyay ayaa dhaawaceeda lagu daweynayaa Cisbitaalka Hargeysa iyadoo sida ay Eheladeedu noo xaqiisay xaaladeedu aad u liidato, dhaawacyadda soo gaadhayna yihiin dhawr meelood oo Qoorta, Gacmaha iyo Calooshu ay ka mid yihiin.
Ninka gabadhan Toorayda galiyay ayaa is geeyay Saldhiga Dhexe kadib markii uu Meyd ahaan uga tegay isagoo Booliiska ka codsaday inay xidhaan maadaama uu falkaasi soo geystay.
Ilaa hada lama oga sababta rasmiga ah ee uu Ninkaasi u bireeyay Haweenaydaas oo ah Hooyo da’’ ah, balse sida ay Eheladeedu noo sheegeen wax jawaab ah kama hayaan dhacdadan oo goor dhaweyd uun ahayd.
