Madaafiic Habeynkii Xalay Lagu Garaacay Qeybo Kamid ah Magaalada Muqdisho

  Wednesday December 05, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE
Dadka danyarta ah ee ku dhaqan degmooyinka Wardhiigley iyo Boondheer ayaa sheegay in xalay oo dhan ay ku jireen walwal iyo cabsi, kadib markii madaafiic dad ay ku dhaawacmeen xalay Saqdii dhexe ay ku soo dhaceen degmooyinkaasi.Ku dhawaad Shan madfac ayaa saqdii dhexe ee xalay ku soo dhacday xaafado ka mid ah degmooyinka Wardhiigleey iyo Boondheere, iyadoo mid ka mid ah oo ku dhacay xero barakac ay ku dhaawacmeen Sadex qofood.

Ila hadda lama garanayo halka laga soo tuuray Madaafiicdaasi, saraakiisha ciidamada dowladduna faahfaahin kama aysan bixin.