AMISOM; “Waxaan Fashilinay Weerar Lagu Soo Qaaday Wasiiro Katirsan Dowlada

  Wednesday December 05, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE
Ciidamada Midawga Afrika Ee Soomaalia howlgalka Kawada Ayaa Wacad Ku Maray In Ay Qaadi Doonan Qorshayaal Lagu Xoojinaayo Amaanka Konfurta Wadanka Soomaaliya Gaar Ahaan Wadada Weyn Ee Isku Xirta Magalada Caasimada ee Muqdisho Iyo Konfurta Wadanka Kadib Markii Ay Halkaasi Ay Ka Dhaceen Isku Day Lagu Doonayi In Lagu Qaarijiyo Wasiirka katirsan Xukuumada Somaliya.
Janaraal Naduru Guti Ayaa War Uu Kasoo Saaray Magaalada Adisb Ababa Ee Xarunta Wadanka Ethiopia Ku Sheegay In Ciidamadooda Ay Fashiliyeen Weerar Lagu Qaday Gari Uu La Socday Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia Oo Marayay Konfurta Wadanka Somaliya.

Guuti Ayaa Yiri”Weerarada Noocani Oo Kale Ah Waxa Ay Naxusuusinayaan Sida Aysan U Haboonayn In Aanu U Dareeno Wax Damqsho Ah”.

Waxa Uu Janaraalka Shaca Ka Qaaday In Ay Sii Wadi Doonan Dadaalada Ay Ku Taaagerayaan Dawlada Somalia Iyo Sidi Wadanka Looga Ciribtiri Lahaa Al-Shabab Isagoona Tusaale U Soo Qaatay Iskashiki Ay Sida Wadajirka U Sameyen AMISOM Iyo Ciidamada Soomaaliya In Ay Sababtay In Shabab Ay Isaga Baxaan Magaloyinka Marka Kismaayo Iyo Muqdisho.

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya Ayaa Waqti Hore Ka Badbaaday
Weerar Dagaal Oo Ay Al-Shabab Ku Qaadeen Gaari Uu La Socday Oo Maraysay Magalada Marka Ee Gobolka Shabeelaha Hoose Oo 110-Km U Jirta Konfurta Muqdisho Casimada Somalia Wax Dhibaata Ah Kama Soo Garin Wasiirka Weerarkasi Balse Wararka Qaarkod Ayaa Tilaamamaya In Rasaas Halkasi La Isku Weydaarsadeey Ay Ku Geeriyoodeen 10-Askarta Dawlada Soomaaliya.