Chelsea oo Champion-ka Kahartay iyo Messi oo dhaawac kubaxay

  Thursday December 06, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE
(Laacib.net) Barcelona ayaa kursiga keydka ku bilowday xiddigeeda Lionel Messi kaasoo rajo ka lahaa inuu barbareeyo ama jabiyo rikoorka Gerd Muller, laakiin waxa uu soo galay qeybtii labaad isagoo awoodi waayay inuu shabaqa soo taabto. Waxaana taasi uga sii darnaa dhaawac soo gaaray Lionel Messi qeybihii danbe ee ciyaarta, waxaana garoonka looga saaray bareelo, iyadoo dhaawaca laga cabsi qabo inuu yahay mid halis ah.

Barcelona ayaa kaalin koowaad kaga soo baxday group-kaan, halka Celtic ay iyadana kaalin labaad kaga soo baxday.

Kooxda reer Scotland ayaa u qalantay inay u gudbaan wareegan 16ka marka loo fiiriyo guushii taariikhiga aheyd ee ay ka gaareen kooxda Barcelona.


,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Kooxda Chelsea ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee iyadoo heysata koobka Champions League ku harta wareega group-yada taariikhda Champions League, halka Juventus ay kula biirtay Shakhtar Donestk wareega 16ka.

Chelsea oo ku guuleystay Champions League markii ugu horeysay xilli ciyaareedkii hore ayaa xilli ciyaareedkan awoodi weysay inay dhaafto wareega group-yada waxaana ay haatan ka ciyaari doonaan koobka Europa League.

Chelsea ayaa kooxda Nordsjælland waxa ay kaga badisay 6-1 laakiin natiijadoodaas waxba uma aysan soo kordhin oo waxa ay ka hareen Champions League.

Chelsea ayaa daqiiqadii 31aad ee ciyaarta lagu helay rigoore markii uu kubad gacanta ku taabtay Gary Cahill, laakiin rigoorada oo uu u tuuray kooxda Nordsjælland ciyaaryahankooda ugu da’da weyn Stokholm ayaa waxaa ka badbaadiyay goolhayaha Peter Cech.

Labo daqiiqo ka dib Chelsea iyada ayaa heshay rigoore markii Nordsjælland ay iyagana markooda kubad gacanta ku taabteen, Eden Hazard ayaa u soo istaagay balse isna waxaa ka badbaadiyay goolhaye Hansen.

Seddex ka daqiiqo ka dibna Chelsea ayaa rigoore kale loo dhigay markii Nordsjælland ay mar kale kubad gacan ku taabteen, markaana waxaa u soo istaagay David Luiz oo si fiican shabaqa ugu hubsaday islamarkaana kooxdiisa Blues hogaanka u dhiibay.

Fernando Torres oo abaar dhanka goolasha ay heysay ayaana Chelsea u labeeyay dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta.

Bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda reer Denmark ay ciyaarta ku soo laabatay ka markii ay hal gool soo ceshteen taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1.

Gary Cahill ayaana Chelsea u sii dheereeyay hogaankooda ka dib markii uu madax ku dhaliyay laad xor ah oo uu soo tuuray Juan Mata.

Fernando Torres ayaana gool labaad dhaliyay daqiiqadii 56aad taasoo ciyaarta ka dhigtay 4-1 oo Chelsea ay hogaanka ku heysay.

Ciyaaryahanka ugu goolashada badan Chelsea xilli ciyaareedkan Juan Mata ayaana u shaneeyay kooxda Chelsea daqiiqadii 63aad ee ciyaarta.

Waxaana goolka lixaad Chelsea u dhaliyay ciyaaryahan Oscar daqiiqadii 71aad ee ciyaarta.

Chelsea ayaana guushii ugu horeysay gaartay tan iyo intii uu macalin u noqday Rafa Benitez, laakiin guushooda waxaa hal bacaad lagu lisay ka dhigtay kooxda Juventus oo guul ka gaartay kooxda Shakhtar Donestk.

Juventus waxaa hogaanka u dhiibay ciyaaryahan Giovinco oo ka faa’ideysatay kubada ay ka soo shaqeeyeen Vucinic iyo Lichstiener, laakiin waxaa loo qoray inuu iska dhaliyay Kucher.

Guusha ay gaartay Juventus ayaa ka dhigeysa inay ku soo baxeen kaalinta 1aad ee Group E iyagoo leh 12 dhibcood, halka Shakhtar ay ku soo baxday 10 dhibcood iyagoo kaalinta labaad soo galay, Chelsea ayaana ku dhameysatay wareega group-yada kaalinta seddexaad iyagoo ka ciyaari doona Europa League.