Axmed xasan Maalin: “Xaafada Gubta ayaa laga soo tuuray madaafiicdii habeen hore

  Thursday December 06, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE
Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay hayaan kooxihii habeen hore madaafiicda ku soo tuuray qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, isla markaana uu helay raadadka meelihii Madaafiicda looga soo tuuray.howlgal ay ciidamadu wadeen shalay ilaa xalay ayaa taliyaha Booliiska Gobolka banaadir Jen. Axmed xasan Maalin Oo Lahadlayay Warbaahintah Qaranka ayaa u sheegay in xaafada Gubta oo ka tirsan degmada Dayniile ay aheyd meelihii madaafiicda laga soo tuuray.

“Xaafada Gubta ayaa madaafiicdii habeen hore laga soo tuuray, waxaana soo tuuray kooxo aan banaanka imaan karin oo dhuumanaya kana tirsan nabad diidka gacanta ayaana ku soo dhigi doonaa”ayuu yiri Jen. Maalin.
Jen Maalin ayaa sheegay inay heleen qolofyadii madaafiicda la tuuray habeen hore, waxaana uu carrabka ku adkeeyay iney xoojindoonaan ammaanka casimadda.