Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Istanbuul

  Thursday December 06, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray caasimada labaad ee dalka Turkiga halkaas oo uu kulan kula qaadan doono R/wasaaraha dalka Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa magaalada Istanbuul ee caasimada labaad ee dalka Turkiga ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda Turkiga ee ku sugan Istanbuul.

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu kulan la qaadan doono R/wasaaraha dalka Turkiga Rajab Dayib Urdugan si ay uga wada hadlaan xiriirka labada dalka iyo xoojinta dhanka amaanka maadama shalay wasiirrada difaaca dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen heshiis.