Beledweyne:Warar hor dhac ah oo eey heshay Shabakada Shacabka ayaa Sheegaya in Qaraxii ka dhacay Magaalada Beledweyne eeyna ku dhintaan Madax uu ku jiro Wasiirkii Amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan iyo Rag kale oo badan.
Wararkani ayaa tibaaxaya inuu halkaasi ku Geeriyooday Safiirkii u fadhiyey Dowlada Itoobiya Magaalada Muqdisho Atto Asper Agaza oo halkaasi ku sugnaa Xiligii uu Qaraxu ka dhacay Hoteelka eey ku sugnaayeen Madaxdaasi.
Sidoo kale Warar hor dhac ah ayaa Tibaaxaya in Saraakiil badan oo Itoobiyaan ah eey ku geeriyoodeen halkaasi, Wararka qaar ayaa Carab dhaw ku sameeyey ku dhowaad 40 meeyo Saraakiil Itoobiyaan ah oo halkaasi ku sugnaa.

Safiirka Itoobiya u Fadhiyey Dalka Soomaaliya oo ka qeeyb gelayey Xaflad hore oo lagu Abaal marinayey Askartii Itoobiya ee Somaliya Galay.(Sawir hore keeyd)
Safiirka Itoobiya ayaa Halkaasi Shir kula lahaa Masuuliyiinta Dowlada ee Qaraxaasi ku dhintay isagoo halkaasina ku sugnaa Shalay ilaa iyo Xalay sida muuqatana eey ka war heleen Xoogaga dowlada kasoo horjeeda ee halkaasi Qarxiyey.
Xoogaga Alshabaab Afhayeen u hadlay ayaa Sheegtay ineey iyagu ka danbeeyaan Qaraxaasi isagoo sheegay ineey halkaasi ku Qaarajiyeen Wax ugu yeeray Cadowga ilaaheey iyo dad dana kale u shaqeeynayey.
Arintani ayaa noqoneeysa Dhabar jab kii ugu weeynaa oo soo gaarta Dowlada uu hogaamiyo Shiikh shariif oo Wasiirkeedii Amnigu uu ku geeriyooday Qaraxaasi iyadoo shalayna uu Geeriyooday Col Cali siciid oo ahaa Taliyihii Booliiska Gobolka Banaadir.